Iiraan ayaa Maraykanka, Sucuudiga iyo Yuhuuda kaga yaabsatey diyaarad dagaal oo ay markii ugu horeysay ku samaysay dalkeeda, lana tijaabiyay uuna fuuley madaxwynaha dalkaasi Rooxaani.
Diyaarada oo gebigeedaba lagu sameeyay Iiraan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee dalku sameeyo amaba wadan Muslim ah uu sameeyo inta la ogyahay.
Iiraan ayaa sheegtay in diyaaradan ay leedahay raadaar xoogleh iyo qalabka isgaarsiinta oo heersare ah. Ma bixinin faahfaahin dheeraada.
Maraykanka ayaa markiiba ku tilmaamey mid farsamadeeda laga soo qaatey diyaaradihii hore ee Maraykanka.
Talaabada Iiraan ku samaysey diyaarada ayaa horseedaysa in dalku aakhirka iskaga filaado dhinaca diyaaradaha dagaalka mustaqbalkana u samaysto diyaaradaha xamuulka.
Iiraan ayaan haysan diyaarado casriya maadaama loo diidey inay soo iibsato. Madaxweynaha Iiraan oo fuuley diyaaradaan ayaa yiri ”waxa cadowgu noo dhici la’yahay waa awoodeena ciidan.
Halka wasiirka difaacu sheegay inay xoogoodii isugu geeyeen sida uay u saari lahaayeen gantaalada ridada dheer.
Iiraan ayaa hore u sheegtay inay sancada la qaybsan doonto wadamada Muslimiinta.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS