X

Iiraan oo soo bandhigtey diyaarad ka yaabisay Yuhuuda iyo Maraykanka

Milatariga Iiraan ayaa baryahanba ku jira dhoolatus milatari oo ka socda xeebaha dalkaasi, waxase indhaha soo jiitey diyaarad nooca dhulka laga hago ah oo halmar wada duqeynaysa laba aag. Diyaaradan ayay ku soo bandhigeen iyadoo duqeyn ku jirta.


Iiraan ayaa dhinaca kale tijaabisay gantaalaha ridada dheereeya ee Yuhuuda toos u garaacaya iyo weliba gantaalaha ku duula jooga hoose ee dhulka oo ah nooc aan raadaarku qaban karin.


Iiraan ayaa dhowr mar tijaabisay gantaalada difaaca gaar ahaan kuwa la dhigey aaga warshadaha sifeeya macdanta loo yaqaan Yuraaniyam ee laga sameeyo hubka Nukliyeerka.



ā€¯Waxaan diyaar u nahay inaan duqeyno oo aan burburino goob kasta oo laga soo weeraro dalka iyo weliba dalka nalaga soo weeraray ayuu yiri wasiirka difaaca ee Iiraan. Diyaaradan cusub ayaa nooceeda ayna welli haysanin xitaa Maraykanku.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.