Iiraan oo aad u feejigan cadowgeedana u diyaara ayaa soo bandhigtey gantaal cusub oo lagula dagaalamo diyaaradaha. Gantaalkan cusub ee Ka nixiyay Maraykanka ayaan dhaafayn diyaaradaha Yuhuuda iyo Maraykanka.
Gantaalkan Iiraan ugu magacdartey Bafar 373 ayay sheegtay inuu Ka casrisan yahay gantaalaha S_300 oo Ruushku Ka iibiyay Iiraan iyo kan Maraykanka ee ay u bixiyeen Patriyootic.
Warkan ayaa naxdin ku ah xagjir Taram iyo Yuhuuda oo isku halaynaayay taag darida dhinaca difaaca cirka ee Iiraan.
Gantaalkan cusub ayaa wax Ka toogan Kara masaafo gaaraysa 300km isagoo shiishka ku xiraya masaafo gaaraysa 250km dhulkana soo dhigaya masaafo gaaraysa 200km.
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ku faano ayaa wax Ka soo ridi Kara masaafo gaaraysa 200km. Iiraan ayaa hore u tijaabisay gantaal kale oo khatara oo ay ku soo ridey diyaarad aan la wadin oo Maraykanka leeyahay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS