X

Iiraan oo soo saartey goob dhulka hoostiisa oo gantaaluhu u yaalaan

Iiraan oo dagaal markadta ula diyaata Yuhuuda, Maraykanka iyo xulafadiisa Sucuudiga ayaa soo saartey goob dhulka hoostiisa ah oo ay ku xeraysan yihiin gantaalaheeda ridada dheer iyo kuwa kale. Muuqaal ka mida ayaa muujinaaya askarta oo daqiiqado yar ku diyaarinaaya gantaal kadibna ganaya.


Markabka diyaaradaha ee Maraykanka ayaa ka baqay inuu soo galo biyaha u dhow badda Iiran wuxuuna hadda ku sugan yahay badda Hindiya ee ka fog Cumaan.

Waa markii labaad oo Iiraan soo bandhigto goobaha dhulka hoostiisa ah ee ay u yaalaan hubkeeda badankeeda taas oo ka dhigan in hubkeeda waaweyn aan si toosa loo weerari karin.


Waa fariin ku socota Yuhuuda iyo Maraykanka oo isku mida tilmaamaysana in Iiraan dagaal diyaar u tahay oo ayna ku jirin in yar oo baqdina.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.