Dawlada Iiiraan ayaa ka digtey in xagjir Taram ku dhaco qalad oo uu ka qoomameeyo kadib markii shalay uu ku hanjabay inuu Iiraan ku garaaci doono hub ayna hore u arag. Taram ayaa lagu yaqaan hanjabaadaha noocana mana aha markii ugu horeysay ee uu yiraahdo.
Iiraan ayaa sheegtay in xogta Taram haysto ay tahay kuwii hore u jirey ee ay ku quudiyaan sirdoonka Yuhuuda ee ka uxa sirdoonka dalkaasi ayaa lagu yiri warbixinta.
”Jawaab kulul ayaan ka bixin doonaa haddii xagjir Taram markale sameeyo talaabo qaloocan oo ku weeraryo qaranka Iiraan ayay tiri wasaarada arimaha dibedda.
Sirdoonka Yuhuuda ayaa suuqa soo gashaday in Iiraan u aargudeyso sarkaalkii Suleymaani ee laga diley ayna rabto inay disho safiirka Maraykanka ee Koofur Afrika.
Dhinaca kale musharax xisbiga Dimoqradiga Joo Baydan ayaa sheegay inuu Maraykanka ku celin doono heshiiska Obaama la galay Iiraan ee xagjir Taram ka baxay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS