Tallaabadan ayaa ka dambaysay khilaaf soo kala dhex galay xidhibaan Fahiima iyo Maayarka magaalada Laascaanood, khilaafkaasi oo ka dhashay qaabka loo maamulay deeq raashin oo loogu talogalay dadka ay abaartu saamaysay ee gobollada Sool iyo Sanaag, kaas oo ay ugu deeqeen degmooyinka Hargaysa, Gabiley iyo Berbera.
“Annagu haddaanu nahay golaha deegaanka degmada Laascaanood, waxaa xilligan guddoomiye noo ah Cismaan Saleebaan oo amarkii iyo shaambadiiba gacanta ku haysta, sidaa darteed, raashinkii wuxuu ku xereeyey bakhaarro, waxaana uu dadkii baahnaa dul yaalaa habeenkii afraad, annagana muddadaas waxa nagu socotay in raashinkan ay dadkii u baahnaa ay sabab la’aan uga bakhtiyayaan,”ayay tidhi Marwo Fahiima Yuusuf
Xildhibaanad Fahiima waxa kale oo ay intaasi raacisay “Annagu ka gole deegaan ahaan, kumaanu dhaliil la’ayn, taas oo sababteeda uu noo keenay gudoomiyahayagu, kadib markuu ku wareejin waayey guddidii abaaraha, sidoo kale kalfadhi aanu ka yeelanay uu guddoomiyuhu u saari waayey guddi u kuur-gasha xaaladda baahiyeed iyo sida ay shacabku ugu kala jilicsan yihiin, waxaana uu u samaystay rag u gaara oo aanaan la wadaagin ogolaanshaha jidka ay u marinayaan dadka tabaaleysan, taasina waxay sababtay in aan qoyskii baahnaaba ciddii wax gaadhsiin ee qof wax haysta wax loogu daro, sidoo kalena xildhibaanadii ka hadlay arrintaa uu ku wargeliyey orod soo qoro 10 qoys raashinkood, sidaa awgeed aniga ima aanay raali-gelin arrintaasi waana ka diiday.”
“Intaasi kadib subaxnimadii saaka (Shalay) oo xarumihii degmada ay shacab badani ku soo urureen ayaan ku talogalay inaan dejiyo wixii khaldanna u sheego in la saxayo, balse anigoo la hadlaya shacabkii la kulmay qori dabadii oo ay ila dhaceen ilaaladii gudoomiyahayaga Cismaan Saleebaan, wax kasta oo aan waxyeelo qabanna waxay ii gaadheen shacabkayga ii igmaday masuuliyadan, iyadoo ay warbaahintu goobjoog ka ahayd maqal iyo muuqaalna ay ku hayaan sida masuuliyada iyo sharafta ka baxsan ee ay ciidankiisu waxyeelada iigu gaysteen.”
“Waxa golahayaga iyo guddoomiyaha xilligan hoggaaminayaba ka khaldani ma aha wax yar oo la koobi karo, dhankasta oo shaqadii naloo igmaday ahina waa wax khaldan iyo wax la musuqay, raashinkii toddobaad ka hor na soo gaadhayna bakhaaro ayuu ugu xidhan yahay maayarka, shacabkii loogu talo-galayna weli wey ka baahan yihiin,” ayay tidhi Xildhibaan Fahiima Yuusuf Cabdillaahi.
Marwo Fahiima waxa kale oo ay u mahad naqday Maayarrada isu xil-qaamay in ay deeqdan raashinka ah ugu yaboohaan dadkooda tabaalaysan ee ay abaaruhu ku habsadeen.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS