Xildhibaan Ilhaan Cumar oo guul ka soo hoysay tartanka siyaasada ee dalkaasi Maraykanka kuna dhowna in ay noqoto xildhibaankii ugu horeeyay ee Somali ah ee sharcisameeye ka noqda Maraykanka ayaa beenisay war ay Somali qortey oo ku saabsan nolosheeda gaarka ah.
Ilhaan Cumar ayaa bar Somalidu isku xamato lagu qorey in uu guur ahaan wali u qoran yahay nin lagu sheegay walaalkeed oo sidaa ku soo gelisay Maraykanka isla markaana ayna jirin wax guura oo qoran oo u dhexeeya iyada iyo ninka hadda qaba.
Hadaba waxa jira in iyadu beenisay in ay sidaa wax u jiraan laakiin ma soo bandhigin eax cadayna waana ta saxaafadu hadda kala dhigeyso waxana ku soo biirey saxaafada magaalada Minasoota kuwa waaweyn sida Fox news oo xagjira Yuhuuduna leedahay.
Dadka fasira arimaha noocana ayaa qaba in laba arimood dhici karaan. Waa ta hore in ninkaa hore diidey in uu furo diiniyana ay fasaqdey oo isla markaana ay guursatey, waana muhiim in ay haysato shahaado guur oo Islaama.
Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa keeni karta doodweyn oo haddii la sixi waayo keeni karta in meelxun ay ku dhamaato.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS