X

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay gaalka weyn ee Erik Jackson

Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul siisay gaalka weyn ee Erik Jackson oo yiri aqalka cad ee Maraykanka wuxuu noqon doonaa goob ka duwan wixii lagu yaqaan oo ahayd aqal la wada qaawan yahay laakiin hadda ay soo galayaan dad asturan.


Gaalka baadariga weyn ee Erik ee ku fogaadey nacaybka Muslimiinta ayaa sheegay in uu ila hadda liqi kari la’yahay in haweenayda Dimoqraadiga ee Nancy ay ogolaan doonto in haweenka Muslimka ah ee so galay aqalka iyo kuwa kale ay xiran doonan xijaabka.

Aqalka cad ee Maraykanka ee xisbiga dimoqraadiga qabsaden ayaa durba ogolaadey in haweenku ku soo geli karaan dharkey rabaan, waxana taageertay xaadka xagjir Trump.


Wuxuu raaciyay in aqalku u ekaan doono goleyaasha dalalka Muslimka ah, akhiyaara maxaan samaynaa. Ilhaan Cumar ayaa u jawaabtey oo tiri ” mudane aqalku wuxuu u ekaan doonaa Maraykanka, waad ku qasban tahay inaa sidaa aragto.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa doorashadan waxa soo galaya haweenkii ugu badnaa oo aan cadaan ahayn, waxana Muslim ah oo kaliya 2 iyo xildibaanka Andre Carson.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.