Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo sanadkii hore loo doortey xubinimada golaha dalkaasi ayaa raaligelin ka bixisay fariin qoraal ay iskaga difaacaysay xubnaha xagjirka ah ee Yuhuuda ee ku jira xisbiga jamhuuriga.
Waxayse mideysay labada xisbi ee dalkaasi fariin ay ku sheegtay in urur Yuhuuda u ololeeya oo ah kan dagaalka kula jirey ay lacagtooda ku iibsadaan siyaasiyiinta dalkaasi, oo ay u fasirteen in aanu jirin siyaasi si caadiya u taageera Yuhuuda ilaa ururkaasi lacag siiyo ololahooda mooyee.
Ilhaan Cumar ayaa kelli dareentay markii haweenayda xisbigeeda ee gudoomiyaha barlamaanka Nancy Piloosi iyo gabadha uu dhalay madaxweynihii hore dalkaasi Kilinton oo Yuhuudi qabo ay iyadna wax laga xumaado ku tilmaantey fariintaas ay ku qortey baraha bulshada.
Ilhaan Cumar oo fariin raaligelina soo dhigtey ayaa tiri ” Ujeedadeydu maaha in aan aflagaadeeyo halka aniga la iga soo doortey ama Yuhuuda guud ahaan, waa inaan markasta dib u fiirinaa eedaymaha tooska ee lagu xumeynayo jinsiyadeyda, sida aan u rajaynayo in dadka i maqlaan marka aniga weerarka laygu hayo, waxaanan bixiyay raaligelin shaki la’aana.
Ilhaan Cumar oo ku cusub siyaasada Maraykanka ayaan ogeyn in madaxda xisbigeeda iyo kuwa kaleba ay Yuhuudu ku jirto ee waxa kaliya ee ay kula duwan yihiin ay tahay in midi u roonyahay soo galootiga iyo qoysaska fiqiirka ah midna necebyahay.
Yuhuuda xagjirka ah waxay rabaan inay Ilhaan sumcada ka dilaan waxaanad moodaa inay siisay taraqii ay ku shidi lahaayeen. Waxay iyagu rabaan in booska ay ku jirto hadda ee iskaashiga caalamiga ay iska casisho.
Waxaan dhowrnaa waxa xiga mar haddii ay bixisay raaligelin. Xisbigeeda ayaa dareemay in xisbiga Jamhuurigu helayo libin, weyna ku soo boodeen intii arintu ku xumaan iyaga, una sheegeen Ilhaan inay raaligelin bixiso intayna wax u dhimin iyaga guud ahaan ama ka weecin hawsha guusha ah ee ay keeneen.
Ilhaan ayay tani u noqoneysaa waayo aragnimo qaasatan dadka Falastiinta ee ay u doodeyso miyayna u jeedin in kuwii la dhashayba ku farxayaan dilkooda weliba Yuhuuda la jiraan sida wahaabiyada Sucuudiga iyo kuwa la midka ah marka iyada oo Somali ah maxaa waalay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS