Imaamka masjidkii ugu horeeyay magaalada Boorama laga dhiso ee Geed Goble ayaa qaylo dhaan ka direy xaalada masjidka uu imaamka ka ahaa muddo 47 sano ah oo hadda wadaado laga biilo Sucuudiga ay u diideen.
Masjidka ayaa dib u balaadhin weyn lagu sameeyay lagana dhigey laba dabaq waxana lacagta bixiyay dadweynaha iyo dadka Ilaah dartiis wax u dhisaya, waxase jirtey lacago badan oo urur diimeedka Sucuudiga laga leeyahay ee Wahaabi/Salafiyiin ay bixiyeen.
Salafiyiinta oo laba qaybood ah kuwo dagaal hubeysan kula jira dawladaha Muslimka ah kuna tilmaamay dhamaan gaalo sida artgagixisada shabaab, Daacish iyo kuwo magacyada kale wata iyo qaybta dacwada oo xarumo iyo malcaamado kuleh dalalka fiqiirka ah iyo kuwo kalaba.
Xaga culimada Salafiyiinta ay gaaleeyaan culimada kale sida aad ku aragteen baraha bulshada.
Imaamkan oo lagu magacaabo Maxamuud Caateeye iyo dadka ka agdhow oo u waramay asxaabta si hoose ayaan welli saxaafada hor iman laakiin sheegay in loo diidan yahay in masjidka la furo isna imaam ka noqdo.
Waxay marmarsiiyo ka dhiganayaan waad gabowdee nasa laakiin wuxuu ku daray diin lagama gaboobo iyo ujeedadu ay cadahay. Ma ogola xuska rasuulkeena ayuu raaciyay.
Masaajidada Boorama ayaa la ogeyn culimada fadhida iyo waxay akhriyaan dadka shacabka ayagoo kuwa haysta caqiidada Salafiyiinta ay aad ugu bateen, dhalintana ku beeraan NACAYB saaida taas oo inta badan keenta in ay muslimiinta si fudud u gaaleeyaan.
Hore waxa u jirey masjid sidana oo ay dib u dhisteen kadibna la wareegeen sida masjidkii Berbera maadaama wadaadka diinka ee maamulka Somaliland uu yahay Salafi Sucuudigu biilo.
Dadka Boorama ku nool ayaa ogey khatarta urur diimeedkani ku hayo dhaqanka iyo diinteena soo jireenka ah ayaa odey aan waraysanay ku tilmaamey wax laga xumaado.
Culimada uu ka soo jeedo imaamka ayaan lagu ogeyn dagaal iyo cagajugleyn muslimiinta loo geysto.
Lacagta ku socoto iyo dadka malcaamadaha iyo iskuulada ay ka soo saarayaan kooxdani ayaa ah kumanaan xidhan dharka Sucuudiga xaga haweenka u geliyaan marada madow oo kaliya. Waxayna hadda haystaan sal ay dagaal soo qaadi karaan xoogna ku fulin karaan caqiidadooda macquulna ay tahay in ay isqarxiyaan.
Boorama oo kaliya waxa Wahaabiyada/Salafiyiinta ku leeyihiin afar dugsi oo isugu jira kuwo hoose iyo sare. Halka goobaha argagixisadu ka taliso ay tiradu xad dhaaftey.
Si kastaba ha ahaatee kooxdan Salafiyiinta oo awood lacageed isticmaaleysa waxay u badan tahay in ay la wareegaan masjidkaas kaliya ee Boorama laga xuso xuska rasuulkeena CSW ayagoo laaluushaya madaxda ciidamada iyo kuwo kale.
Tana ma noqon doono tii ugu horeysay
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS