X

Imaaraadka oo bilaabay shirqoolkii ugu weynaa una yeeray Itoobiya iyo Eritariya

Imaaraadka ayaa bilaabay shirqoolkii ugu weynaa una yeeraya madaxda Itoobiya iyo Eritariya. Shir uga furmay Abu-Dabay ayaa lagu gorfeyn doonaa sidii Itoobiya u heli lahayd deked u gaara.


Ujeedada ugu weyn ayaa ah inay curyaamiyaan Jabuuti ayadoo Eritariya laga dhisi doono dekedda ugu weyn Afrika una adeegi doonta dhamaan Afrikada dhexe oo iyagu aan lahayn deked.

Dhaxalsugaha dalkaasi oo ka hadlay kulanka ayaa u hambalyeeyay labada dal gaar ahaaan Cabi Axmed oo isagu bilaabey wadadan cusub ee dalkiisa ugu samaynayo wadooyin badan oo dhaqaale.


Si kastaba ahaatee waxa laga sugaa talaabada xigta ee Imaaraadku qaado maadaama ay tahay iyaga kuwa haysta lacagta saliida ay ka helaan ee maalgashiga abuuraya.

Dawladaha kale ee urur diimeedka akhwaan Muslimiinta ee Somaliya u dhow sida Turkiga, Suudaan iyo Qadar ayaa iyaguna isha ku haya talaabada xigta.

Somaliya oo ah dal baaxaad weyn leh kheyraadkiisuna ka badan yahay dadkiisa ayaan helin awood iyo caqli ay kula soo baxdo. Mana dhici karto in dawlad yar oo dhaqaaleheedu ku xiran yahay saliid ay saarto go’doomin.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.