X

Imaaraadka oo laba diyaaradood ka soo dejiyay Hargeysa maxayse wadeen: SAWIRO

Imaaraadka ayaa laba diyaaradood ka soo dejiyay Berbera oo lagu sheegay inay sideen raashin. Labadan helikobter oo ah nooca Maraykanku sameeyo ayaa lagu arkey Berbera.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay waxoogaaga raashina u wadeen degmada Lughaya ee gobolkla Awdal oo biyaha dooxyadu toos ugu dhacaan halkaas oo dhimasho ka dhacdey duufaanadii ku dhuftey gobolka Awdal.

Mas’uuliyiinta degaanada ee gobolka Awdal ayaa sheegay inay haatan tirada dadka dhintay ay gaarayso 29 qof inta la ogyahay, halka kuwo kalena weli la la’yahay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.