X

Imaaraadka oo qarsan sida uu u jecelyahay in dawladeena hadda ay u dhacdo

Imaaraadka Carabta oo kibir awgeed faraha si toosa ugula jira qarankeena hadday ahaan lahayd inuu lacago geliyo gooni goosatada ama inuu daba maro dawlada Somaliya si toosa ula kulmo maamul jufeedyada ayaa sheegay in dawlada hadda jirto tahay ku meel gaar.


”Imaaraadka wuxuu ka xunyahay xaalada ka sii daraysa ee hadda Somaliya ku sugan tahay ayuu ku yiri qoraal ay faadisay warbaahintiisa. ”Anagu ma ogin xaalad ka sii daraysa oo dalkeenu ku sugan yahay ee keliya waxaan ognahay caada qaateyaal aad wadataan oo diidan doorashada dalka ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Tani waxay cadaynaysaa oo hadda cidna daah uga saarneyn kuwa qasaya dalka oo ilaa hadda fashilmey ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Waase la arkaa ilaa xad inta uu taageero u fidin doono horjooge Siciid iyo Axmed Madoobe oo midna Kiiniya hoos joogo midna ku tiirsan yahay kooxda sheegata beesha caalamka oo iyagu sheegay inay banaanbaxyo wadi doonaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.