Rag Imaaraati ah oo ka carooday Muuse Biixi ayaa Hargeysa ka dhoofay. Ragaan ayaa la sheegay in nawaaxiga Hargeysa u joogaan inay dhoofsadaan ugaarta dalka ama ku jireen arimo xadgudub ku ah gobolka iyo kheyraadkiisa iyagoo bixiyay laaluush.
Wasiirka dibedda ee maamulka Somaliland oo inta badan waxba la socon ayaa sheegay inay jiraan ragaasi carooday ee ayna jirin rag Imaaraatiya oo Hargeysa laga masaafuriyay. ”Waxa jira rag carooday oo dhoofay, ma ogi cidkale, waxna kama ogi arintaan ayuu yiri Faratoon.
Imaaraadka ayaa suuq ka dhigtey goboladan ayagoo shilimaad u tuura dadka baahan kadibna gurta kheyraadkooda sida dekedda Berbera.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS