X

IMF oo war ka soo saartey shilin Somaliga

Hay’ada caalamiga ah ee lacagta aduunka oo ah bangi wadamada taajiriinta ah lacag dhigtaan kadibna RIBO badan oo macaasha ka soo gasho ayaa shilin Somaliga war ka soo saartey.



Hay’dan oo arkaysa taageerada shacabku u qabaan dawlada Farmaajo hogaamiyo ayaa sheegtay in ay Somaliya ka caawin doonto soo daabicida shilin Somali cusub.



Daabicida shilin Somaliga ayaa waxweyn ka tari doona qaranimada dala maadaama uu xanibi doono maamul jufeedyada soo daabacda shilin Somali buga, iyagoona diidan in la daabaco lacag cusub sida Puntland iyo Somaliland.

Lacagaha cusub ee ay Somaliya daabacaneyso ayaa la filayaa in ay tartan geliyaan lacagta doolarka ah,waxaana ay beddeli doontaa lacagaha duuga ah ama kuwa been abuurka ah  ee la daabacay intii uu bur burka jiray,sidaas waxaa sheegtay Samba Thiam oo ah Madaxa IMF ee Somaliya.

Samba,waxa ay sheegtay in 98% lacagta hadda taalla Somaliya ee shilin Somaliga ay tahay been abuur,2% kaliyana ay tahay lacagta saxda ah taas oo iyadaba duugowday una baahan beddel deg deg ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 



admin:

This website uses cookies.