X

Ingiriiska oo banaanbax weyn kala hortagey Trump: kuma rabno: SAWIRO

Ingiriiska ayaa banaanbax weyn kala hortagey Trump una muujiyay sidey u neceb yihiin. Trump oo lagu yaqaan isku dirka dadka asagoo aaminsan fikrado qalafsan oo ka dhana dadka aan cadaanka ahayn iyo weliba kuwa Muslimka ah.


Banaanbixii ugu weynaa ee Ingiriisku isku dubarido ayaa ka dhacay ayadoo amaanka Trump aad loo adkeeyay laguna hayo meel aan cidkale loo ogolayn oo xataa aan ahayn aqalka looga taliyo Ingiriiska.


Banaanbaxa Ingiriiska ka dhacay ayaa ah kii ugu weynaa oo ay ka qayb qaateen dhamaan bulshada ku nool Ingiriiska.

Kaaga daran isla markii uu yimi ayuu dhulka ku jiidey haweenayda Ingiriiska xukunta sheegayna inayna I dhegaysan shaqo fiicana qabanayn. hadana mardambe bedelay hadalkaas.

Trump ayaa yiri Yurub waa inay cayrisaa Muslimiinta, wuxuu weeraray hogaamiyaha Jarmalka oo qoxooti badan qaabishey laba sano kahor.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.