Ingiriiska waa ka baxay Yurub maxayse tani uga dhigan tahay Somalida Yurubta ka soo guurtey ee soo degay Ingiriiska sanadihii ugu dambeeyay. Somali farabadan ayaa Ingiriiska u soo guurey laga soo bilaabo sanadihii horaantii 2000 iyagoo ka soo guurey wadamo luqadoodu Ingiriis ahayn laakiin siiyay sharci iyo baasaboor.
Hadaba waxaan eegaynaa sida isbedelkii xalay ka dhacay Ingiriiska uu u saamaynayo Somalidii soo guurtey oo hadda degan dhamaan Ingiriiska dacaladiisa oo isugu Jira qoysas iyo kali kaliba.
Waa ta koowaade waxa xalay bilowdey weji cusub oo u dhaxayn doona Ingiriiska iyo midowgii Yurub ee uu ka baxay. Sida uu dhigayo qodobka reer Yurub dhigteen marka dal ka baxayo wuxuu haystaa laba sanno oo uu kula heshiiyo ama heshiisyo cusub kula galo midowga Yurub.
Raiisal wasaaraha Ingiriiska oo iscasiley mar haddii laga guuleystay aftidii uu dhigey wuxuu sheegay in qodobkaa u yaala Yurub ee labada sano uu codsigiisa gudbin doono raiisal wasaaraha isaga ka dambeeya, waxase taas ka cadheysan Yurubtii uu ka baxay oo leh hadda codsada.
Qodobkaas la’aantii oo laba sano soconaya iyo ka badanba waa ta koowaade Somalida wax isbedela Kuma imanayaan sidey markii hore ahaayeen.
Waa ta labaade waxay ku xiran tahay heshiiska cusub ee ay galaan Ingiriiska iyo midowga Yurub oo ay dhici karto in dadka hore u deganaa Ingiriiska ee ka yimi YURUBTA KALE shaqooyina ku haysta in loo ogolaado in ay iska joogaan ama la siiyo dhalasho haday dalbadaan.
Taas lafteeda ayaa muddo soconaysa in laga heshiiyo inkastoo ayna dhacayn in bilaa fiiso ku soo galaan Ingiriiska kuwa dambe ama ay dhacdo in laga joojiyo lacagaha caydha oo kaliya loo ogolaado in ay shaqaysan karaan guryahana iska baxshaan.
Marnaba ma dhacayso in dhamaan dadka ka yimi Yurub in dib loo wada celiyo waxase dhacaya in wax laga bedelo caawimada la siiyo oo ay noqdaan ajaanib caadiya oo ku jooga warqaayin shaqo.
Waxa iyaguna marna ka baxayn dalka Ingiriiska dadka xirfadaha leh sida dhaqaatiirta iyo wixii la mida ama kuwa ka shaqeeya shaqooyinka baadhitaanada sayniska.
Dhinaca Safarka
Mudada labada sano ah waxa dhici karta in heshiis u dhexmaro Ingiriiska iyo wadamada taajirka ah ee Somalida badankoodu ka yimaadeen oo ay dhacdo in ay ku heshiiyaan in uu furnaado isku socodka wadamadaas iyo Ingiriisku oo bilaa fiiso lagu iman karo.
Waxase aan la hubin in dhinacii guryaha iyo caydha aan heshiis laga gaarin.
Danaha wadamada qaar
Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in wadankiisu si xoogleh ula shaqayn doono Ingiriiska cusub taas oo macnaheedu yahay in Faransiisku uu rabo in dantiisa Ingiriiska dhinaca shaqooyinka iyo maciishada uu ka iibiyo aan waxba iska bedelin.
Waxa halkaas inooga cad in Yurubta oo aad ugu tiirsan tahay suuqa Ingiriiska ayna rabin in wax badan iska bedelo sida shirkadaha jooga hadda u shaqeeyaan una dhoofiyaan maciishadooda sidii markii hore iyadoo bilaa cashuura.
Ingiriiska ayaa boqolkiiba 85 ay wax uga soo degaan dekedihiisa sida raashinka halka isaguna dhoofiyo alaabo aan sidaa u badneyn.
Isku soo duuboo waxa heshiisku bilaabmayaa maalinta Ingiriisku gudbiyo codsiga ka bixida intaas ka horeysa qofkasta siduu uu awal ahaa ayuu ku joogayaa ilaa uu yimaado heshiis cusub.
Rashiid Ceelanyo
ARAABINEWS