X

Ingiriiska oo loogu baaqay in uu joojiyo hubka uu ka iibinayo Sucuudiga oo ku xasuuqaya shacabka Yaman

Guddi xildhibaano ah oo ka tirsan aqalka Ingiriiska ayaa ugu baaqay dawlada Ingiriiska in ay jojiyaan hubka ay ka iibiyaan Sucuudiga, hubkaas oo Sucuudigu u isticmaalo ama ku fuliyo dano urur diimeed oo isaga u khaasa.

Guddigan isku dhafka ah ayaa soo arkay kumanaan caruur iyo haweena iyo goobihii ay u tagi jireen waxbarashada iyo warshadaha oo Sucuudigu burburiyay.

Dagaalka uu Sucuudigu kula jiro Yaman ayaa ah mid isaga u khaasa oo ah mabaadiid uu kaga soo horjeedo ama diinta kaga saaro qowmiyada Shiicada, wuxuuna hub aad u farabadan ka soo iibsadey wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka iyo Yuhuuda kuna baxdey bilyano doolar.

Sucuudiga ayaan laba bilood dagaalami Karin wuxuuna isku haleeyaa Yuhuuda, Maraykanka iyo Ingiriiska oo uu ka iibiyo saliid jaban.

Gudigan ayaa iyagu ka yaabay xasuuqa iyo burburka uu Sucuudigu u gaystey dadka shacabka ah taas oo ay ka muujiyeen walaac xoogan.

Lama garan karo waxa dawlada Ingiriisku ka yeeli doonto inkastoo aan la fileyn in ay joojiso kharashka adag ee ay ka helayso hubka.

Gacan ku dhiigle Salman oo la baxay boqor ayaa ilaaway in lacagta uu ku bixiyo hubka oo bilyano ah uu lacagtaas u isticmaalo in uu ku kasbado nabad iyo amaan uu la galo jaarkiisa.

Sucuudiga ayaa dhinaca kale taageera argagixisada Daacish iyo kuwo kale oo la baxay Jeesh oo ka dagaalama Siiriya iyo Ciraaq.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.