X

Ingiriiska oo telefishan u furtey Somalida loogu yero BBCSomali tv iyo ujeedada

Ingiriiska ayaa telefishan u furtey Somalida loogu yeero BBCSomali tv xilli Somali badan wararkooda ka helaan qaybaha shabakadaha ee kala duwan ayadoo dhinaca kale ay burbur ku dhowdahay idaacada BBCSomali qaybteeda raadiyaha.

Ujeedada ugu weyn ayaa ah in ay qabsadaan dhalinta baaxada weyn leh ee ku xiran baraha bulshada halkaasna lagu abuuro fikradaha dimoqraadiga ee ogolaanshaha khaniisnimada iyo la dagaalanka fikradaha kale e xorta ah ee ka soo horjeeda.

BBCSomali ayaa kow ka ahayd burburkii Somalida markii ay u kala dab qaadey kaaboqabiiladii qaarkoodna la safnayd sida SNM.

Ujeedada kale ayaa ah in ay suuqa ka saarto telefishanada Somalida ee tacbaanka ah ee reeruhu leeyihiin, kuwaas oo aan awoodin dhaqaale ahaan in ay la tartamaan idaacad lagu kharashgareeyo kumanaan gini oo lacagta Ingiriiska ah.

Waxase shidaya idaacad wadata fikradaha reer galbeedka ee dimoqraadiyada khaniiska iyo biyaha raga oo suuqa lagu kala iibsado waa dhalinta Somalida oo moodey in magac lagu yeesho ka soo muuqashada idaacad fikradahaa wadata.

Waxa waajiba in madaxda Somaliyeed ayna bilaash ku bixin waraysiyada idaacadani doonayso ee waraysi kasta laga qaado lacagta ku waajibta maadaama ay lacag leedahay idaacadu.



Haddii muwaadin kasta oo Somali ah sidaaa yeelo waxa yaraanaya TAYADA ay idaacadu leedahay waxana iman doonto in dadka daawadaa u yaraado laakiin marka idaacadihii qaranka ay ka dhex hadlayso idaacad shisheeye sida Radiyo Muqdisho, waxaad is oran kartaa maxaad u eedayn dadka kale ee caadiga ah sida dhalinyarada oo idaacadani duufsatey.

Rashiid Ceelaanyo

R.ceelanyo@gmail.com

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.