X

Injineer dhinaca dhismaha ah oo argagixisada bam ku qarxisay magaalada Muqdisho

Injineer lagu magacaabo Siidow Cismaan Cali oo ku xoogsan jiray dhinaca dhismaha ayaa argagixisada ku dishat bam ay u dhigtey gaarigiisa xaafada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho. Argagixisada ayaa lagu yaqaan in ay beegsato dadka cilmiga leh ee bulshada si ay u hadhaan dad cawaana oo qaata xagjirnimada iyo bani aadam neceybka.

Injineer Siidow Cismaan Cali ayaa qandaraas ka qaadan jiray Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ka qeyb qaatay dhismaha xarumo ku yaala magaalada Muqdisho..

Ma jirin cid wax ku noqotay, marka laga reebo in Injineerka kaliya uu wax ku noqday qaraxa, isla markaana qaraxa uu ahaa mid looga xiray qeybta hoose ee kursiga darawalka.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa qaraxan uu ahaa kuwa baabuurto lagu xiro, isla markaana gaariga Injineerka loogu xiray, isagoo intaa ku daray in aysan jirin cid kale oo wax ku noqotay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Injineerka la bartimaameedsaday uu ka qeyb qaatay dhismooyin dhowr ah oo magaalada Muqdisho laga hergaliyay, isagoo ahaa Injineerkii dib u dhiska ku sameeyay xarrumo ay ka mid yihiin Daljirka Dahsoon, xarrunta gobolka Banaadir iyo dhismayaal kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.