X

Iran iyo Sucuudiga oo isku afgaran waayay XAJKA

Wadamada Iran iyo Sucuudiga ayaa isku afgaran waayay XAJKA sanadkan iyadoo Sucuudigu weerar ku hayo dadka Shiicada ah ee ku nool dalalka Siiriya, Yaman iyo Lubnaan. Sucuudiga ayaa xiriirkii u jaray IRAN kadib markii la gubey safaaradii uu ku lahaa Tehran. Gubka safaarada ayaa yimi markii Sudcuudigu qoorta ka jaray wadaad Shiico una diley Shiico ahaan.

IRAN ayaa doonaysa in xujaajta IRAN ay fiisaha ka qaataan safaarada Swizerland ee ku taal Tehran halka Sucuudigu rabo in IRAANIYIINTU soo maraan wadada khadka internet-ka ee fiisaha lagu bixiyo.

Masuul u hadlay Iran ayaa sheegay in wadahadaladu socdaan uuse sheegay in Sucuudigu cagajiidayo taasina keenayso in xujaajta IRAN ka daahaan XAJKA sanadkan oo ah bisha Sebtambar 2016.

Sucuudiga ayaa guuldaro ka raacday dagaal uu ku qaaday masaakiinta Yaman ee Shiicada isagoo isku habar wacday hadana riixi waayay Shiico faqiira oo nolol maalmeedkooda la rafaadsan.

Sucuudiga ayaa jecel in uu muslimiinta u qaybiyo waxa loogu yeero Shiico iyo Sunni oo diinta Islaamka shaqo ku lahayn wuxuu dhinaca kale taageeraa kooxaha argagixisada ee ka Jira caalamka oo faafiya dhaqanka Sucuudiga iyo madhabkooda Salafi.

Sucuudiga ayaa IRAN ku eedeeya in ay faragelin ku hayso arimaha gudaha ee Sucuudiga inkastoo tabashada ugu badan ee ka jirta Sucuudiga ay tahay cadaalad daro ka jirta dhinaca horumar la’aanta deegaanada Shiicadu degan tahay ee bariga dalkaasi.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.