X

Irbad isku durista oo hadda laga soo sheegayo magaalo kale

Irbad isku durista ayaa hadda laga soo sheegayaa magaalo kale oo ka mida Somaliya. Dhawaan ayay ahayd markii haweenay ku durtey irbad wiil wata gaari bajaaj.



Dirawalada gaari Bajaajta ayaa cabsi xoogan la soo deristay kadib markii wiil ka mida laba haweena ku dureen irbad loo malaynayo in ay ku jirto cudurka keena Aydhiska.

Labada haweena ayaa goobta ka baxsaday sida la soo sheegay. Dirawalkan oo isbitaal loola cararay ayaa la sheegayaa inuu wanaagsan yahay.



Qaar ka mid ah Bulshada magaalada Gaalkacyo oo dhacdadaas hadalhaya ayaa waxa ay sheegeen in cabsi jirto ayadoo aan la garanayn cida ka dambeysa.

Baaritaan la xiriira arintan ayaa ka bilaabantey Gaalkacyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.