Muwaadin Maxaad ka taqaanaa Ganacsiga shaadka Siyaasada xidhan ee lagu xon-dhodhiyey xoolihii umadda ee koox gaar ah lagu naas-nuujiyo deg-degna Nimankaasi Reer gaajo ka roor Maalqabeen ku noqdaan Ina Aw saciidna 25 jan 2019 uu siiyey qandaraaa $5 million oo dollar ka.
Inyar hadaan ka soo qaato Tusaale kuugu filan Muuse Biixi oo ciyaalkiisa qandaraasyo kala duwan siiyey 2 wiil oo uu dhalay madaxweyne Biixi , 2 qandaraas Qalabka ciidanka iyo Huga ama dirayska ciidamada Somaliland 8 qandaraasna isagana toos u qaatay , Umadda lee’aadayna in dhiigooda iyo dhuuxooduba ay banaysteen askartan is urursatay , Qofkii inuun damiirka leh ee ka hadlaa dhibaatada ku habsatay waxaa loo samaystay Naanaysyo dhowr ah (Nick-names ) Waana sidatan :- (1. Waa qaran dumis, 2. waa shisheeye kalkaal , 3 .Dowlado Shisheeye ayuu dhaqaale ka soo qaatay una adeegaa , 4 . Waa cadowga dalka, 5. Waa Isku diraha umadda iyo Iwm .
I . Cuqdada iyo Cunfiga Muuse biixi Samaynta isbedelku keenay.
Hadii uu la kulmi lahaa Muuse Biixi Tigree-gii uu daba-dhilifka u ahaa waxaa goobaha Isbitaalada Somaliland, ka badan lahaa Goobaha Jeelasha Somaliland ee umadda lagu cabudhiyo , hada oo uu go’doon ku jiro ayuuba shacabkii La cabsi-gelinayaa
Waxaa nasiib wanaag ah mar hadii Askariga Muuse biixi la kulmin dowladihii jeegaamaysiga tigreega oo wakhtigoodii dhamatay Baaba’a iyo umadoo lee’aaday .
a) Kulankii Mustafe Cagjar iyo Muuse Biixi ee Dhawaan ka dhacay wajaale waxaa loo gudbiyey Muse bihi lacago tigree iyo iley kooxdiisii lunsadeen oo hargeisa La soo dhigtay kooxii jeegaamaysigii Wayaane ka hadheenka .
b) Shirkaasi wajaale waxaa lagu qasbay inuu ka soo qayb gallo , mulkiilaha ( Ina Abdirashiid Dahabshiil Group) si gaara ninkaasi ayaa waxaa lagu dirsaday $412 million oo dahabshiil lagu haysto ,Mulkiilaha Dahabshiil ayaa isagana kulankaasi wajaale Bill ka hor Tagay Magaalada Mogdisho isagoo Xaflad habeenimo ah qabtay , waxaana ka qayb galay xafladaa Laguna martiqaaday Raysal wasare ku xigeenka Somalia Mundane Mahdi, Madashaasi waxaa daarnaa in Wakiilkiisa Dahabshiil Group Mogdisho uu saami 50% uu ku wareejiyo mulkiilaha mogdisho , Qayskii Wakiilka uga ahaa iyo ,
c) Isagoo Ina Dahabshiid Ugu mahadnaqay 30 sano ee ay wada shaqeeyeen, isagoo ka cabsi qaba Baadhitaanka lacagaha dhex maray Tigree iyo Dahabshiil group.
d) Abiy Ahmed 7 cisho ka hor kulankii wajaale Cagjar ayuu u yeedhay dabadeed Tixraacyo iyo faylal ( Reference & Files ) ahi iyo $$11 million ka hor kacdoonkii iley lagu riday Oromo Bank jigjiga deg deg ugala baxeen wasiiro ka tirsanaa xukuumadii iley oo xidid iyo xigaal dhow-ba la lahaa Askariga Muuse Biixi, Lacagta kumaqan jeegaanta ee wayane soo dhigtay hargiesa ayey ka gilgilanayaan Abiy Ahmedna Gudi u usaaray (Investigation) .
I. Ciiro Isku qarinta. Madaxweyne Muuse Biixi :-
a) Dayntaasi ay ka sheekaynayaan Maamulka askartu ,Dowlada Itoobiya ayey fariintani ku socotaa lacagbaa xukuumadii hore ku maqan , wax sal iyo raadle maaha lacagtaasi $160 million Muuse biixi ayaa ku baxay .
b) Reer Somaliland lacagta laga dhacay Waxaa dhacay Aqli digaagle waa Askariga’e , Dantiisa gaarka ah ka horaysiiyey danaha guud, dekeda berbera iibkeedii iyo dilaaliintii MEtAC ee Ethiopia gadhwadeenka ka lahaa tigree ayaa ku heshiiyey in umadda Somaliland la dhaco .
c) Isdhexgalkii TPLF iyo jeegaanta hargeisa maamusha waxay ku heshiiyeen inay dalka dhacaan Somaliland iyo shucuubaha geeska Africa .
III .Hadaba maskaxdaada waxaa kusoo dhacayaa sida uu u fikikaro Aqli digaagle :-
a) Hada oo uu wayane ama tplf isagoo aanan haysan ayuu Jeelashu camiran yihiin waxgaradka bulshada intaba iskugu jira todobaadkii hore Darbi-jiif reer hargeisa iyo ,
b) dhalinyaro reer Awdal iyo Dilla Baroor-diiqdii 28 sano ka hor uu muuse ka gaystay gabood falkaasi . Dhalintaasi oo Garamaan ku buufsaday qoraal ah 4 Feb 1991 oo xusaayey maalintaa wixii dhacay laga wada dharagsanaa .
c) akhriste Cabudhintii Waxay maraysaa inaad qof dhintay oo Islam ah inaad u ducayso , wixii ka dhacay Dila iyo Borama waxaana gabood falkaa ka danbeeyey Askariga Xiskii ka tagay waa Muuse Biixiye . Meelkastana waa in lagu xidhaa tuugani Qaran dumiska ah, Dacwadaana waan u gudbinay face 1 Haayadaha caalamiga ah ee ‘HRW’ .
d) Askariyoow waxaan arkaaa in malagaa galay , Mar hadii kacdoon shacab kugu soo dhow-yahay . Cabudinta , cuqdada iyo cunfiga ku hadheeyey , ayaa marag madoon u ah astaamaha shacab weynaha caalamku kacdoon ugu diyaar-garoobaan, horena waan u aragnay dowlado waaweyn oo u burburay kacdoon , waaba Maamulka hargeisa oo foosta madhan riixaye’e Show Biixi iyo badhasaab ku Sheegan Awdal , (Malcaamad Quraanka ilaa Badhasaab ) ee siyaasadu ka duqaysay , caadaystay Cabudhintii shacabka balanbalay Askariguna kaaga darane cashuurtii laga qaadayna guryo kiro ah ka dhistay Tiro ahaan 238 guri , ma aabihii ayaa uga dhintay lacagta waa Maya waa cashuurtii shacabka .
e) Geeska Africa waa dhamaatay Badhasaabkani Basaaska u ah Askariga Biixi waa in gobolka lagaga saaro sida ugu dhaqsaha badan tuug tuug keensadaye .
Gabogebadii
Akhtistoow Ujeedada Caruurta Awdal maanta loogu xidh-dhiday jeelasha Borama , Waa mashquulin Shacab Isha looga leexiyo hantida ay lunsadeen Askartan isbaahaysatay ee dalka haysataa , waana mashquulin , Hadal haynta Deynta uu Aamina Waris uu ka sii caseeyey Mr Muse #Caseeye oo wasiirka maaliyad ku sheegu shalay sheegay lacagta waa qaybt qayb ahaan inta uu sheegay $80 maaha ee $160 million oo uu doorashada ku galay Askarigan Aflaxaarkii .
Hadaba Sidaa ay u kala baxday loo lunsaday waa sidatan :- waxa Qandaraaska ahaan loo siiyey shirkad Imaraadka lava leeyahay oo doorasha Qandaraaska ku qaadatay ( $93 Million )
(Shirkad Denmark ah oo Agabka Iris Scanka ) oo Qandaraas ku qaadatay waxay ahayd ($37 million .)
Waa askariga Muse Biihiye Campaign-kii doorashada wuxuu ku galay ($12 million .) Tuugtii NEC ee Siidhi wadayadayaashii doorashadu (NEC Referee) waxay Qaateen caseeye-yaashii ($14 Million gaarna u qaybsadeen ) ( Hal Bil oo Compaign-ku Socday waxaa $4 million La Siiyey , TV-yada Somaliland ka howl-gala oo lacagtaasi xayaysiiska ahi waxay ku qaadatay inay Tv-yadaasi helaan lacagta , Muuse Askari oo dalka haysta 3 bilood TV kasta inta uu helayna Iyadoo faahfaahsan waan soo bandhigi doonaa. Shacabkana ayaan been loo sheegin, hana lagu baraarugsanaado tuugtani is huwan sidii gofanaha dhiiga uga jaqaysa umadda Lee’aaday waa in la iskaga Qabtaa .
Murti:-
Shacabka refer Somaliland waa inay so wada jir ah meel uga soo wada jeestaan dal iyo dibadba , Muwaadiniintu meel at joogaanba waana waajib in tuugtaasi LA iaka qabto sidii gofanaha dhiiga uga nuugaaya.
NB. “Askarigoow Warkaagu waa Sidii Gorayada Dhumasho Dhabarkeedu muuqday’e “
Email: yaabe99@hotmail.com
© By Mukhtar Cali Aaden .
Allaa-Mahadleh.