X

Isbitaalka guud ee Garoowe oo ajaanib badan laga eryay iyo sababta

Maamulla Butlaan ayaa sheegay inay eryeen shaqaale gaaraya 37 oo ka hawlgeli jirey isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Waxa lagu sifeeyay eryida hawlkar la’aan iyo lacago been abuura oo ay qaadan jjreen. Gobolada dalka ayaa waxa ku badan ajaanibta bugta ah ee ku haqaysta xirfadda caafimaadka.

Shaqaalahan la ruqseeyey ayaa isugu jiray dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad.

Maamulka Butlaan ayaa dhowaan waxay shaqadii ka erisay agaasimihii, agaasime ku xigeenkii iyo maamulkii maaliyadda ee Isbitaalka Garoowe, sababo la xiriirta cabashada dadweynaha.

Ma jirto xuquuq ay leeyihiin shaqaaluhu waana lagu eryi jaraa xilligii la doono ama haddii aanad ahayn qolooyinka lagu sheego laandheeraha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.