X

Isbitaalkii sababey in hooyo xaamila ah wadada ku dhasho oo talaabo laga qaadey

Waxay ahayd shalay markii hooyo xaamila ah weliba ugub ah ay tagtey isbitaal ku yaala Muqdisho si ay ugu dhasho kadibna sida muuqata loo diidey adeegaas. Hooyada ayaa kadib ku dhashay isbitaalka dibediisa meel wado ah. Nin u Hadley isbitaalka ayaa sheegay inuu jirey nidaam la maro kiina ay fulin weyday gabadha.


Hadalka masuulkaas u hadley isbitaalka ayaa cadayna in si ula kaca haweenay xaamila ah oo foola dibedda la dhigey. ” Waxay ahayd in wixii su’aala ah gadaal laga weydiiyo laakiin marka hore adeega ay u baahan tahay loo fuliyo.

Masuuliyada gabadhaas iyo ilmaheeda ayaa waxa qaaday gobolka Banaadir waxana shaqada laga joojiyay haweenay ku fashilantey inay soo kala saarto haweenaydaas yar ee foosha ah.


”Waxaan gudanay waajibka naga saaran ka gobol ahaan in haweenaydaas iyo ilmaheeda aan umul bixino wixii ay u baahan tahayna siino ayaa uu yiri masuul u hadley gobolka Banaadir.

Haweenka qaranka ayaa iyaguna cambaareeyay falka wuxuushnimo ee haweenaydaas lagula dhaqmey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.