Isqarxin aan cidi sheegan ayaa lagu qaaday masaajid ku yaala Sucuudiga halkaas oo ay ku dhinteen saraakiisha amaanka. Isqarxintan ayaa imanaysa kadib qarax lala eegtay masajid ay Shiicadu leeyihiin oo ay sheegteen argagixisada Sucuudiga ay isku mabda’a yihiin ee Daacish ama ISIL.
Sucuudiga ayaa dagaal diimeed isaga u khaasa kula jira Shiicada oo ay diinta ka saareen dagaalkaas oo uu ku qaaday Shiicada Yaman oo ay xukunka isku hayaan siyaasiyiinta reer Yaman.
Sucuudiga ayaa sidoo kale duqeyn ku burburiyay dhamaan dalka fiqiirka ah ee Yaman kaas oo keenay in kumanaan ay u dhintaan macaluul iyadoo xataa ayna jirin daawo iyo gawaadhidii gurmadka oo uu xataa weeraray isagoo gacan toosa ka helaya Maraykanka iyo Yuhuuda.
Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee lagu qaado masaajid oo ah goob cibaado oo ah madnuuc in diiniyan la weeraro laakiin argagixisada uu Sucuudigu taageero ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya waa meelaha ay ugu jecelyihiin in ay ku sugaan kuna xasuuqaan Muslimiinta.
Sida kaliya ee argagixisada loo guulaysan karo aya ah in la runta loo sheego ku taageera sida Sucuudiga, Qadar iyo Turkiga.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM