X

Israsaasayn ka dhacday Suuqa Darxumo ee Gaalkacyo oo khasaare ka dhashay: warar hordhaca

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in israsaasayn goor dhawayd laga maqlay suuqa Darxumo ee Gaalkacyo taas oo aan la garanayn cida ay u dhaxayso balse laga maqlayo xaafada Baracleey oo hore la isugu dagaalay.

Sida dad goob joogayaal ah u sheegeen saxaafada israsaasaynta ayaa ku bilaabatay kadib nin kasoo jeeda dhanka Puntland uu muran dhexmaray dhallinyaro iyagana ka soo jeeda dhinaca Galmudug sidaasna rasaas ku bilaabatay. Waxaana israsaasayntaas ku dhintay hal ruux halka haweenay kalana ku dhaawacantay.

Lama oga sababta dhabta ah waxana la soo sheegayaa in ay jirto dhimasho iyo dhaawac lagu tilmaamay haweenay shaaha gadaysay. Waxaana haaatan goobtaasi yimi ciidan booliisa wayna degan tahay sida la soo sheegayo.

Waxa wara kama soo bixin weerarkan khasaaruhu ka dhashay ee ku aadan labada maamul waxayna u muuqataa isxaqxaqasho wali ka jirta dhalinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.