X

Itoobiya iyo Eritariya oo qalinka ku duugey heshiis hordhaca: SAWIRO

Itoobiya iyo Eritariya ayaa qalinka ku duugey heshiis hordhaca oo labada u sahlaya inay ka baxaan xiriiriga ay u jiraan. Itoobiya ayaa waydey baddii halka Eritatiyana bedelkeeda ay ku jirtey cunaqabatayn ay ku soo rogtey Itoobiya iyo saaxiibadeeda.


Heshiiska ugu horeeya ayaa lagu sheegay inuu noqonayo in la soo celiyo safaaradaha dibna loo dhisto deked weyn oo u adeegta labada dal taas oo la sheegay in Imaaraadku dhisayo maalgelin doono.

Heshiska kale ayaa lagu sheegay inuu soo afjarrey dagaalkii u dhexeeyay labada dal ee hore midka u ahaa.


Heshiiska dekedda hadduu hirgalo waxa khasaare ku jirta Jabuuti oo eriday Imaaraadka. Cabi Axmed ayaa hore u sheegay inaanu jirin derbi u dhexeeya labada shacab oo ay si xora isugu gudbi karaan.


Hore ayay Itoobiya u sheegtay in diyaaradeedu tegi doonto Asmara.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.