X

Itoobiya maxay ka tidhi askarta Somalida ee la sheegayo inay u dagaalameen

Kadib markii ay soo baxday sheekada ah waxa jira askar Soamaliyeed oo u dagaalamay Itoobiya xilli Itoobiya ayna u baahneyn askar Somali ah oo u dagaalanta ayaa haddana waxa sheekada sii buunbuuniyay kooxda madasha musharixiinta ee iyagu la shaqeeya ajaanibta.


Haddaba Itoobiyada la sheegayo in loo dagaalamay maxay ka tidhi arintan. Afhayeenka dawlada Itoobiya ayaa sheegay in wararka ah askar Eritariyaana ayaa dalka soo galay iyo askar Somali ah ayaa noo dagaalantey intuba waa been.

”Itoobiya askar ku filan ayay haysataa maadaama ay tahay dal tirtadiisu gaarayso 100 milyan halka Somaliya ayan haysan ciidan ku filan oo dalal kale u dagaalami kara inkastoo kuwa lala dagaalamayo ay yihiin kuwii barakiciyay kumanaan Somali ah ayuu yiri Cali Calasow.


”Waa bugtii awalba lagu yaqaanay Tigreega ee ay kula dhexjireen mushtamaca Somlida iyo Oromada ayuu raaciyay oo haddana ay sii faafinayaan waxma garato isleh wax ku hela niyadjanbinta cidanka.

”Somaliya waxay u baahan tahay inay maxkamad soo taagto ninka lagu magacaabo oo isagu sheegay in askarta Somalida ee tababarka u jooga uu soo fgaaray dhimasho badan ayuu yiri Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.