X

Itoobiya oo ka hadashay kaalinta Turkiga ee Afrika

Afhayeenka madaxtooyada Itoobiya ayaa ka hadlay kaalinta uu Turkigu ku leeyahay horumarka Afrika oo uu sheegay inuu ku dhisan yahay mid labada dhinacba faaiido ugu jirto. Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa ka qayb galaya shirka Afrika iyo Turkiga oo Jimcaha furmaya.



”Waxaan Turkiga ku amaanaynaa kaalinta uu kaga jiro arimaha Afrika ilaa iyo intii la aasaasay wadatashiga Afrika iyo Turkiga sadex sanno kahor ayuu yiri Ridwaan Xuseen.


Waxa uu ka dalbaday Turkiga inuu kaalintiisa ka qaato casriyaynta beeraha, warshadeynta, isku gudbinta tiknoolajiyada casriga iyo dib u dhiska kaabaha dhaqaalaha marka laga baxo Karoonaha.


Itoobiya ayaa hilfaha u qaaday maleeshiyada Tigreega oo ay warbaahinta iyo dhinaca lacagta ka taageeri jireen reer galbeedku.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.