Madaxda Oromada iyo sirdoonka dalkaasi Itoobiya ayaa sheegay in koox la mida dhiigmiiratada Daacish ay ka dilaaceen dhulka Oromada. Argagixisadan lagu yaqaano inay xalaashadeen dhiiga Muslimiinta ayaa xasuuqyo kala duwan ka gayste dhulka Oromada.
Goobaha ay sida weyn uga hawl-galaan argagixisadan Daacish ayaa ah dhulka Oromada ee xuduuda la wadaaga Kiiniya iyo Koofurta Suudaan halkaas oo dad badan algu diley.
Oday dhaqameedka Oromada ee deegaanada ay Daacish xasuuqa ka gaysteen ayaa isku yimi si ay uga hortagaan dhiigmiiratadan ku qadhaabada magaca xoreynta Oromada.
Itoobiya ayaa booliis ugaarsada u direy waxana weerar ciidanku qaaday ay la galeen gudaha Kiiniya. Khatarta noocana ayaa imaanaysa xilli Itoobiya ay ka kabanayso dagaalkii Tigreega.
”Waa mid halisteeda leh maadaaama Oromada aan jaar nahay waxana keenay Daacish meesha waa naqaska laga sii daayay Itoobiya siba sheekada dimoqraadi ayuu tiri Xuseen Warsame.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS