X

Itoobiya oo sheegtay in sanadaha soo socda ay dhoofin doonto gaaska dabiiciga ah ee laga helay deegaanka Somalida

Wasiirka Macdanta Itoobiya Tolosa Shagi ayaa sheegay inay rajeynayaan dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah sanadaha soo socda kaas oo ay ka heli doonaan Sanad Walba lacag dhan Hal bilyan oo doollarka Mareykanka. “Dalku wuxuu billaabi doonaa dhoofinta Shidaalka marka la haqab-tiro baahida gaaska ee Gudaha dalka Itoobiya,” ayuu Wasiirka Macdanta dalka Itoobiya hadalkiisa ku daray, mar uu warfidiyeenka kula hadlayay Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa.

Tolossa ayaa intaas raaciyay in shirkad laga leeyahay dalka China ay ka heshay deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya Ceel uu ku jiro Gaas Dabiici ah oo lagu Qiyaasay 4.7 Tirilyan.

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inuu Saddexda illaa Shanta sano ee soo socota Waddankoodu billaabayo dhoofinta Gaaska dabiiciga ah, kaddib markii deegaanka Soomaalidu degto ee dalka Itoobiya laga helay keyd ballaaran uu Gaaska Dabiiciga ahi ka buuxo.

Wasiirka ayaa xusa in ammaanka halka laga qodayo ceelka aad loo adkeeyay, si looga hortago weerarkii dhacay sannadkii 2007-dii mid la mid ah, Halkaasi oo shaqaale u dhashay dalka Shiinaha. Kuwaasoo u shaqeynayay shirkad shidaalka baarta oo laga lagu Afduubtay waxaa Mas’uuliyaddiisa Sheegatay Ururka ONLF ee Mucaaradka ee kasoo Horjeeda  Xukuumadda Itoobiya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.