X

Itoobiya oo soo dhaweyn aan hore loo arag u samaysay madaxweyne Farmaajo

Itoobiya oo soo dhaweyn aan hore loo arag u samaysay madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka Addis ababa ku soo dhoweeyay R/wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Deslegn iyo madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Soo dhoweynta oo ahayd mid aad weyn oo aan hore loo arag ayaa lagu maamuusay qaabka madaxda dalalka waaweyn, waxaana la sheegay inuu Farmaajo joogi doono Addis ababa muddo laba maalmood ah, isagoo wadaahdal la yeelan doona madaxda dalka Itoobiya.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.