Dawlada Itooobiya ayaa soo iibsanaysa Qamadi gaaraya 400,000 oo tan oo lagu quudin doono 190 milyan oo ka mida dadkeeda abaaruhu la degeen ee u badan Bariga iyo Koofurta Itoobiya. Qamadigan ayay ku baxaysaa lacag ka badan 6 bilyan oo BIR.
Abaaraha Itoobiya ayaa sii fidaya waxana hadda ay gaareen deegaano horleh oo abaartu in badan haysay. Deegaanada Somalidu degto ayaa Iyana ay ka jirtaa nbiyo la’aan iyadoo abaartu jirtey muddo laba sano ka badan.
Waxase laga baqayaa in waqtigu ciriiri ku yahay in deeqdaasi soo gaarto goobihii looga baahnaa iyadoo dadku hore u waayay xoolihii hadana ay iyaga laftoodii abaartu halis ku hayso.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS