X

Itoobiya oo ururka Tigreega ee TPLF ku daraysa ururada argagixisada

Barlamaanka Itoobiya ayaa isku diyaarinaya inay ururka Tigreega ee TPLF ku daraan ururada argagixisada ee ay la dagaalami doonto. Ku daristan ayaa imamaysa kadib xasuuq ka djhacay gobolka Oromada oo lagu diley dad shacaba.


Waxa xasuuqaas cambaareeyay ururka midowga Afrika. Gobolka Oromada ayaa iyaguna wacad ku maray inay sharciga hor keenaan ururka kale ee Oromada ee la baxay Shiin-Oromo.

Waxay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen xasuuqa halkaas ka dhacay halka dawlada federaalku farta ku fiiqayso ururka Tigreega inuu lug ku leeyahay.


Si kastaba ha ahaatee Tigreega ayaa qaska ugu weyn ka wada Itoobiya siiba inta uu qabsaday Cabi Axmed halka caqabada kale ee Cabi Axmed haysata ay tahay ururada badan ee Oromada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.