X

Itoobiya oo war ka soo saartey xilliga gaaska la dhoofin doono

Wasaarada macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ayaa war ka soo saartey xilliga la dhoofin doono gaaska laga helay dhulka Somalida ee welli lagu Jiro dhamaystirkiisa. Shirkadda Shiinaha ayaa wada intii ugu dambeysay inta aan lagu xirin dhuumaha.


Wasaarada ayaa sheegtay inay rajaynayaan in gaaskaasi la bilaabo dhoofintiisa muddo sadex sano ah oo ku beegan sanadda 2022. Dhuunta qaadaysa gaaska ayaan welli la gelin qorshaheeda ayadoo deegaanka uu ka taaghan qalalaase siyaasadeed.

Dhererka dhuumaha qaadaya ayaa lagu sheegay ilaa 700 oo kiiloomitir halka laga helay ilaa Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee dastuurka Itoobiya ayaan faahfaahin ka bixin sida lo qaysanayo kheyraadka dhulka.


Dawlada Somali galbeed ayaa iyagu sheegay inay si deg dega u rabaan in la xaliyo qaybta ay ku leeyihiin kheyraadka laga helay dhulkooda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.