X

Jaaliyada ka soo jeeda Hargeysa iyo Burco oo walaac ka muujiay in Qadar soo masaafuriso

Jaaliyada ka soo jeeda Hargeysa iyo Burco oo walaac ka muujiay in Qadar soo masaafuriso. Walaacan ayaa imanaya kadib markii Somali halkaas ku nool u sheegeen Qadar magaca Somaliland ee la safan salafiga/wahaabiga Sucuudiga.

Maxamuud Xaashi oo matala Siilaanyo ayaa go’aan ku gaadhey in uu la safto Imaaraadka oo ay dekeda kala wareegeen. Maxamuud Xaashi ayaa shilimaad iyo dano shaqsiyeed uga faaiideysanaya arintan.



Inkastoo Qadar ogtahay mowqifka dawlada Somaliya oo ka masuula siyaasada dalka, waxase jira walaac ah in dadka Somaliyeed ee ku nool Qadar wax loo dhimo danahooda.

Si taas u dhicin ayaa shaqsiyaad cabsi qaba u  sheegeen dawlada Qadar cida Sucuudiga iyo Imaaraadka la safan ee ayna ahayn Somali oo dhan, Somaliduna tahay jufooyin.



Arintan ayaa walaac ku keentay jaaliyada Hargeysa iyo Burco oo ku jooga Qadar magaca ummada Somaliyeed ee ay ka mid yihiin.

Si kastaba ha ahaatee lama garan karo in Qadar talaabo qaadi doonto iyo in kale iyo in ay ku qanci doonto mowqifka weyn ee dawlada Somaliyeed.

Waxayse muujinaysaa siyaasada shaqsiga ee wax u dhimi karta dad aan waxba galabsan oo ka xoogsanaya Qadar shaqana siin Karin.

 Hoos ka daawo Faysal Waraabe oo qardajeex iyo been abuur.

Maxamed Yusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.