Jaamacad ku taal magaalo madaxda labaad ee dalka Ingiriiska ee Beemingam (Birmingham) ayaa laga helay kitaab Quran ah oo lagu ilaaway oo marka la qiyaasay farta ku qoran iyo warqada fartaasi ku qoran tahay ay sheegeen khabiirada arimaha duuga ah in Quraankani jiro muddo ku dhow kun iyo sadex boqol iyo todobaatan sanno oo ka dhigeysa mudo aad u fog wax sidaas ahna ka durugsanayn hijradii rasuulkeena ama 66 sano kadib.
Kitaabkan Quraanka ayaa sida la sheegay waxa laga keenay wadamada bariga dhexe ilaa haddana lama garan karo sida uu ku tagey jaamacada oo aan xilligaa iyo xilli u dhowna jirin.
Profeesar wax ka dhiga jaamacada qaasatan qaybta masiixiga iyo Islamka ayaa sheegay in ay macquul tahay in qofka keenay uu noolaa xilligii uu noolaa rasuulkeena SCW.
Waxana laga yaabaa ayuu ku darey in qofka qorey xataa uu noolaa xilligii rasuulkeena SCW.
Profeesarka ayaa isna markii ugu horeyay ku raacay in Quraanka aan la bedelin oo uu yahay sidii uu ku soo degay marka aad eegto Quraanka hadda la aqristo iyo Quraanka hadda na horyaala.
Khaliif Cusmaan Bin Cafaan ayay ahayd xilligiisii markii la soo ururiyay dhamaan Quraanadii ku qornaa meelaha kala duwan kana dhigey halka buuga ee aan manta akhrisano.
Quraanka laga helay jaamacada Birmingham ayaa dad badan ay ku farxeen halka qaarna ku qiiroodeen. Qaybtan Quraanka ee la helay aya ku qorneyd farta loo yaqaan XIJAASI taas oo ahayd Carabigii hore ee la isticmaali jirey.
Profeesar kale oo isna wax ka dhiga jaamacada Beemingam ayaa sheegay in aanu jirin kitaab ka duugsan oo waliba si fiican kuu geynaya xilligaas la qorayay Quraanka oo ah ayuu yiri xilligii sadexda Khaliif ee Abubakar, Cumar iyo Cusmaan intii u dhaxaysay.
Nin Muslim ah oo jooga magaalada Beemingam oo Muslimiintu ku badan tahay qaasatan kuwa Eeshiya ayaa sheegay in Muslimiintu soo arkaan kitaabkan aaney jirin wax la mida.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM