Kulan ay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ku yeesheen Baarlamaanka Carabta ee ka kooban 22ka dale e ku jira Jaamacadda Carabta ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan Carabta.
Kulan si gaar ah looga hadlayay arrinta Soomaaliya ayey Baarlamaanka Carabta waxaa ay ka soo saareen War-Murtiyeed u gaar ah Soomaaliya,waxaana ka soo baxay dhowr Qodob.
War-Murtiyeedka, ayaa lagu sheegay in Jaamacadda Carab ay garab taagan tahay Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay kamid tahay 22 wadan oo kujira ururkaasi.
Qodobadan War-Murtiyeedka ka ayaa waxaa kamid ah sidan:
In laga hortago kala qeybsanaanta ka dhex jirta Soomaalida.
In la xaqiijiyo, lana raadiyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
In loo sameeyo dib u heshiisiin Soomaalida, si ay isugu soo dhowaadaan.
In lala dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo kuwo kale ee diidan midnimada ummadda Soomaaliyeed.
In ay muhiim tahay in la ilaaliyo badda iyo xasiloonida Soomaaliya guud ahaan.
In laga hortago cid kasta oo isku dayaysa in ay fara-geliso madax banaanida Soomaaliya
Soo akhrintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS