X

Jaamacada Carabta oo taageertay dagaalka ka dhanka argagixisada ee uu iclaamiyay Farmaajo

Jaamacada Carabta oo taageertay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee uu iclaamiyay Farmaajo. Argagixisada xalaashatey dhiigeena ayaa intii dawladu dhalatey xasuuqdey ku dhawaad 400 oo qof.

Dadkaas ay xasuuqdey ayaa ahaa dad kaqayb qaadanaya horumarka iyo dhismaha dalka halka dhiigmiirtatadu ku soo toosaan kuna quraacdaan dhiigeena ay xalaashadeen.



Ahmed Abul-Gheit Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay tahay wax laga argagaxo Qaraxyada iyo xasuuqa Muqdisho ka dhacayay Maalmihii lasoo dhaafay.

Xoghayaha ayaa Marka Hore tacsi u diray dadkii ay Waxyeelo kasoo gaartay Qaraxii lala eegtay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.



Ahmed Abul-Gheit ayaa sidoo kale tilmaamay in ay taageersan yihiin dagaalkii uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in ay ka shaqeyn doonaan sidii looga dhabeyn lahaa dagaalka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu dambeyntii Sheegay in Howlgalkaasi ay ka qeyb qaadan doonaan.

C/llahi WArmoge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.