X

Jabaan oo noqday dalka ugu badan ee dadku isku dilaan shaqo saaida oo ay qabtaan

Dalkaasi Jabaan ayaa noqdey dalka ugu badan ee dadkiisu is dilaan shaqada oo ka badatey awgeed. Dadka samaynaya saacadihii loogu talogalay in ka badan ayaa kordhey.

Waxa loo aanaynayaa shirkadaha oo dadka ku qasba in ay sameeyaan saacado ka badan kuwii loogu talogalay. Haweenay u shaqayn jirtey shirkad xayaysiina ayaa dhawaan is dishey.

Warqad ay u qortey hooyadeed inta ay isdilin kahor ayay ku qortey ”maxay waxkasta u adagyihiin”.

Wasaarada shaqaalaha ayaa kormeertay dhowr meelood amartayna in dadka la siiyo wakhti ay ku hoydaan.

Nin madax ka ahaa shirkada haweenaydan is dishey ayaa shegay in uu iscasilayo maadaama dhimasho timi oo ay ahayd ayuu yiri in uu ka hotago.

Haweenayda is dishey ayaa la sheegay in ay guriga tagi jirtey shanta subaxnimo iyadoo subaxdana laga sugayo in ay shaqada ka soo xaadirto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.