X

Jabhad labaad oo ka qaraxdey Somaliland iyo ciidan ka goostey: SAWIRO

Wararka naga soo gaaray gobolka Sanaag ayaa sheegaya in jabhad taabacsan oday dhaqameedka Buurmadow inay ka soo goosteen maamulka Muuse Biixi. Tirada ciidankan oo aan la shaacin ayaa lagu soo dhaweeyay gobolka Sool. Waa jabhadii labaad ee ka abuuranta intii Muuse Biixi loo dhiibey talada maamulka.


Buurmadow ayaa lagu eedeeyay in isagu ka dambeeyo oo uu la baxay maleeshiyada uga jirtey maamulka. Buurmadow ayaa isagu beeniyay in ay jiraan askar beeshiisa ah oo uu la baxay.

Daraad ayay ahayd markii suldaan Dubad Qaali oo ay isku beel yihiin Buurmadow uu sheegay in Muuse Biixi gooni ula baxay hub la wada lahaa oo yeelay xerada Birjeex. Hubkaas oo ay ku jireen hubkii reer Awdal dhiibteen. Suldaanka ayaa ku baaqay in qolo walba hubkeeda la baxdo ints waqtigu ka dhicin.


Muuse Biixi wuxuu isku diyaarinayaa waa dagaal beeleed waana ka keentay inuu hubkii dadka ka dhexeeyay gooni u rarto ayuu yiri Dubad Qaali.

Xiisadan cusub ayaan la garanayn halka ay ku biyo shuban doonto iyo inay tahay jug-jug halkaaga joog.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidankan Buurmadow ayaa sheegay inay dagaal ka geli doonaan Muuse Biixi.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.