X

Jabhad uu wato Cabdi Bille oo weerar ku qaaday ciidan SNM u fadhiyay meel u dhow Boorama ee gobolka Awdal

Boorama–Wararka laga helayo Boorama ee gobolka Awdal sheegaya in weerar xoogan ay soo qaadeen jabhad u wato Cabdi Shide Bille oo ah hogaamiye kacdoon halkaas oo la sheegayo in weerarku socday muddo saacad ku dhow inkastoo markii dambe istaagay. Booliiska Quljeed ayaa xaqiijay in weerarku dhacay wayse diideen in ay faahfaahin bixiyaan.

Dhinaca kacdoonka reer Adal lagama hayo wax wara. Waxa Boorama la keenay askari dhaawaca oo aan la ogeyn sida dhaawaciisu yahay. Xamxamta dagaalka ayaa Boorama si weyn looga hadal hayaa.

Waa markii labaad oo jabhada kacdoonku weerar ku qaado ciidamo daacad u ah lacagna ka qaata maamulka beesha dhexe ee Hargeysa.

La soco wixi warar ah ee ku soo kordha warkani

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.