X

Jabhada kacdoonka reer Adal oo xaqiijiyay weerar ay ku qaadeen ciidan SNM daacad u ah

Awdal–Jabhada kacdoonka reer Adal ayaa xaqiijiyay weerar ay ku qaadeen ciidan daacad u ah SNM oo fadhiyay meel u dhow Boorama. Weerarka ayaa waxa ka dhashay khasaare inta la ogyahay hal askari oo ka tirsan maleeshiyada SNM. Jabhada kacdoonku ma sheegin wax iyaga soo gaaray. War ay ku soo saareen bogooda facebook ayay ku sheegeen in dagaalku socday 40 daqiiqo oo ciidankoodu nabad ugu soo noqday xerada.

Waa weerarkii labaad ee kacdoonku qaado ilaa iyo intii ay si rasmi ah uga bilaabeen sanadkii hore gobolada Adal ee ay joogaan ciidamo daacad u ah SNM oo laga biilo Hargeysa.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxda kacdoonka qaar ay ku hanjabeen in wax dabaaldeg ah ayna SNM ka samayn karin xarunta Awdal ee Boorama taas oo ayna sheegin sida ay ku joojin karaan lacagta Xirsi Tooriile la wareegayo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.