X

Jabuuti arinteedu ma Ciisow Ciise celibaa mise isbedel dhaba ayaa la rabaa: U KUURGAL

Sidii aan u daawanay askariga musqusha ugu xidhan Ismaaciil Cumar Geele ee ina tusey darxumada iyo sida loo jirdiley, waxa ka xanaaqay qofkasta oo Somali ah oo daawaday. Kadibna waxa qofkasta oo ka muujiyay dareenkiisa.


Dareenadaas iyo banaanbaxyo ku xigey intuba waxay muujinayaan sida looga gilgishey nolosha askarigaas musqusha uu ku xidhey Ismaaciil Cumar oo xukunka Jabuuti ka dhaxley adeerkii.

Waxaad haddaba is weydiin kartaa halkee sartu ka qudhunsan tahay. Markaad fiiriso dadkii ka dhiibtey fikirkooda falka wuxuushnimada ah ee askarigaas ku sugan yahay, waxaad moodaa in ay hal mowduuc saarayeen diirada.


Halkaa mowduuc oo ah in Jabuuti yeelato hogaan soo celiya sharafta dadka degan mudan yihiin. Waxase hadalada fiicnaa wasakheeyay qabyaalad Ciisaha dhexdiisa taala oo u muuqata Ciisow Ciise celi.

Ismaciil Cumar oo ka faaiideystay jecelna inuu isbedel doonku noqdo mid jifadiisa lagu weerarayo ayaa kiciyay jufadiisa jufadiisa si hoosana u hubeeyay.

Jabuuti waa xeeb Somaliyeed mana laha Ciise iskumana haysaan karaan waxase welli yaala xeer Faransiisku dhigey oo uu ku qorey Ciise iyo Canfar asagoo la dagaalamaya halgameyaashii Samaroon ee uga xaqa lahaa oo intooda badan mucaarad ahaa.


Isbedel nooceeya ayaa Jabuuti rabtaa

Jabuuti waxay u baahan tahay hadday rabto inay ka badbaado dagaal sokeeye oo ku qotoma cadaalada laga dhex raadinayo askarigaas uu musqusha ku xidhey, in Jabuuti ahaato meel layska wada dhex arko oo ka dhaxaysa qabiilada Somalida.

Waxaan soo jeedin lahaa in diirada loo weeciyo in isbedelka loo baahan yahay uu noqdo in Jabuuti jufo keliya lahayn ee ay noqoto mid ka dhaxaysa qabiilada halkaa degan. ee la yaqaan.


Cadaalad xumada uu Ismaaciil iyo adeerkii Xasan Guuleed ku hayeen qabiilada kale waxay ahayd inuu qabiilkiisana siiyo warqadaha aqoonsiga kuwa kalana u diido.

Marka yaan sheekada lagu koobin aan hadalo iyo lacagta wadanku xagay martey ee isbedelku ha noqdo ma dhisan karnaa dal aan wada leenahay. Hana laga bilaabo sidii dastuurka loo bedeli lahaa.

Haddii Jabuuti sidan ku sii socoto waxa sii kordhaya in jaahil sida Ismaaciil Cumar Geela ah uu xukunka dhaxal ka dhigto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.