X

Jabuuti oo ka aamusan in Maraykanku ciidamo caawiya Tigreega ka dirayo Jabuuti

Mamulka Maraykanka ee hadda ayaa ku hanjabay inuu milatari ahaan farogelin doono si loo badbnaadiyo Tigreega ay waayeen meel ay u mariyaan lacagta. Marayanka ayaa hore loogu helay inay ka barbar dagaalamayaan Tigreega.



Warbixin ay soo saareen milatariga Itoobiya ayaa lagu sheegay in cadaan lagu arkay dagaalka ay ku soo qaadeen magaalooyin ku yaal gobolka Axmaarada. ”Ujeedadu waxa weeyi in Maraykanku maskaxiyan u qaso Itoobiya kadiib abuuro xaalad deganaansho la’aana ayuu qabaa Xuseen Warsame.


”Waxa loo jeeda waa qowmiyada kushitiga ma qabsan karaan xukunka ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Waxase hanjabaadan welli ka hadlin mamulka Ismaaciil Cumar Geele oo Maraykanku sheegayo inuu ka soo duulayo Jabuuti.


”Waan cambaaraynaynaa hadalka ka soo yeeray maamulka Maraykanka ee ku wajahan inay taageero milatari siiyaan Tigree oo aan xal u keenayn geeska Afrika ayuu yiri sarkaal u hadlay Itoobiya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.