X

Jabuuti oo war ka soo saartey dagaal diimeedka ka dhex qarxay Carabta khaliijka

Jabuuti ayaa war ka soo saartey dagaal diimeedka ka dhex qarxay Carabta khaliijka ayadoo meelxun uu marayo. Qadar ayaa beenisay in ay taageerto ururka argagixisada ee akhwaan Muslimiin ee ka dagaalama Siiriya iyo Masar.

Trump ayaa dhinaciisa sheegtay in uu taageersan yahay Sucuudiga xiriirka uu u jaray Qadar oo ah dal aad u yar nolol laakiin gaas ka buuxo.

Jabuuti oo fiirinaysa awooda Sucuudiga oo iyaguna taageera urur diimeedyada Salafiyiinta iyo Daacish oo ah argagixisooyinka ugu xun aduunka ayaa sheegtay in ay xiriirkii u dhexeeyay labada dawladood ay yaraynayso.



Waxase Qadar u soo gurmadey dalka ay isku urur diimeedka yihiin ee Turkiga. Qadar ayaa deg deg u dalbatey in cunto lala soo gaadho kadib markii Sucuudigu ka xirtey xadkii. Waxana baaqaas ka jawaabay Erdogaan iyo Iiraan.

Jabuuti oo dalyara waxa meelo badan ka caawiyay Sucuudiga inkastoo ay colyihiin Imaaraadka oo si xun ula dhaqmaya Qadar maantana sheegay in ay xiri doonaan cidi xataa saxaafada ku taageerto Qadar.



Sucuudiga iyo Imaaraadka oo urur diimoodka Daacish iyo Salafiyiintu ku fashilmeen Siiriya oo ay dab dhex dhigeen bulshadii halkaa ku nooleyd ayaa isku halaynaya Yuhuuda iyo Maraykanka. Ruushka ayaa iyaguna sheegay in ay dibedda ka yihiin isku cunta Carabta maadaama Qadar iyo Sucuudigu hub badan soo geliyeen Siiriya si meesha looga saaro dawlada iyo shacabka Siiriya.

Jabuuti ayaa dhinaca ku raacdey Somaliya kuna baaqdey in urur diimedyada Carabta laga qabto Muslimiinta aduunka kale lana safan dhinacna arintooda lagu xaliyo isla Carabta dhexdooda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.