Faysal Cali Waraabe wuxuu dhawr jeer warbaahinta ka sheegey inuu Cali Gurey isku direy isaga iyo Jamaal, dhanka kale Jamaal iyo Cali Gurey waxay in badan warbaaahinta ka sheegeen cida ka dambeysa burburinta xisbiga Ucid waxaanay farta ku fiiqeen xisbiga Kulmiye iyo
xukuumadiisa gaar ahaan waxay ku eedeeyeen Muuse Biixi, ugu dambeyntii Cali Gurey ayaa sheegey inuu ka hadhay Jamaal kuna taageerayo codkiisa Muuse Biixi, ka dibna Jamaal ayaa isna dhawaan sheegey inuu ku biiro doono xisbiga Kulmiye in kastoo la sheegey uu sugayo lacag
loo siinayo kharash celin, arintu mar waxay u egtahay sedex doodaba iney cidi wada wedey, mar kale waxa la moodaa Cali Gurey inaanu habeena raacin Jamaal, hadaba Jamaal iyo Cali Gurey malaga yaabaa iyagoo wada socda iney ku biiraan xisbiga Kulmiye mise midba mar gooni ah ayuu ku biiri doonaa?