X

Jarmalka oo si qurux badan loo garaacay lagana reebay koobka aduunka

Jarmalka oo la garaacay lagana reebay koobka aduunka. Koofurta Kuuriya oo iyagu haray ayaa si qurux badan u garaacay Jarmalka oo ay ka fadhidey. Koofurta Kuuriya iyo Jarmalka ayaa labaduba gurigooda ku noqonaya.


Waa markii ugu horeysay muddo aad u fog uu Jarmalka ku haray wareega koowaad ee ciyaaraha koobka aduunka. Waxa garoonka ka muuqatey oohin.


Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa Kooriya Koofureed laga diidey gool ilaa marki dambe la fiiriyay nidaamka cusub ee dib eegista taas oo la arkey in goolku saxyahay.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaa markale Koofurta Kuuriya dhaliyeen gool quruxbadan kadib markii goolhayihii Jarmalku ka qaybgalay weerarka xaga hore. Ciyaarta ayaa ku dhamaatey Kooriya 2 Jarmal 0.

Waxa caawa ku qoran Baraasiil iyo Seerbiya. Baraasiil ayaa laga baqayaa inay raacdo Jarmalka. Waa koobkii aduunka kii ugu tayada xumaa ee dhaca. Waxa maqan tayadii lagu yaqaanay.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.