Waxa dad badan is waydiiyaa yaa u taliya maamulka Hargeysa ee uu ku magacaaban yahay Axmed Siilaanyo iyadoo aan ognahay in odayga oo ahaa hogaamiyihii SNM uu hadda yahay hawlgal xataa loo diido suaalaha. Warqadaha ayaa loo qoraa Siilaanyo kadibna suaalo lagama waydiiyo waayo isagu shaqo kuma leh mana soo diyaarin waxa sidaas yiri nin magaciisa qariyay oo jooga madaxtooyada Hargeysa ama gurigii Morgan.
Hadaba dhawaan ayay ahayd markii Qaramada Midoobey ay soo saareen qodob xad gudub ku ah diinta Islaamka oo ah in ay diidan yihiin dilalka lagu fuliyay rag xasuuq gaystay ilaa HADDA jawaab lagama hayo raga Siilaanyo magaciisa ku hadla oo arimaha kale ee Somaliya ka dhaca soo hor fadhiista saxaafada kana qayliya.
Hadaba waxaad is waydiin kartaa maxaa aamusiyay markan iyadoo la sheegayo in oday wasiir ah aan isagu aan ka bixi karin dalka lagu yiri u jawaab taas oo loo qaatay diciifnimo iyo munaafaqnimo.
Sababaha ay u aamusan yiohiin raga u hadla Siilaayo ayaa ah iyagoo ka baqaya in ay xiriir xun la samaystaan qaramada midoobey ama ka baqaya in fiisayaasha laga xidho. SNM ayaa raadsanaysa in ay aqoonsi ku hesho dhabarka dambe ee Xasan Culusow oo hadda isaguna ku fahmey.
Waxay xataa kuu muujinaysaa in ay ka hadli karaan oo kaliya marka dawlada Somaliya warar soo sheegto ee ayna ka hadli karin lana doodi karin dadku xad gudbaya sharci EEBE soo dejiyay.
Waxayna jecel yihiin in ay hoos u dhigaan arimaha noocana una sheegaan qaramada midoobey anaga maahee dadkaa nagu khasbaya!!!!
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS